Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay In ay Dowladu Guddi U Saari Doonto Soo af jarida c.waaq.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo  Oo wali ku jira Safarkiisa Gobolada Qaar haatana Ku Sugan Caabud waaq ayaa sheegay in uu sameynayo guddi ka shaqeeya dhameynta colaadda beelaha ku dagaallama Cabudwaad iyo degaannada hoostaga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Odayaasha iyo waxgaradka Deegaanka looga baahanyahay in ay ka shaqeeyaan nabadeynta Deegaanka islamarkaana laga doonayo in ay ka shaqeeyaan joojinta colaadda Sokeeye Gudiga ay dowladiisu u xilsaari doontana la shaqeyn doonaan.

Waxaa uu sheegay in Wafddigiisa aysan ka tageyn Cabudwaaq iyaga oo aan sameyn Guddi farsamo oo laga dhex  xulo Odayaasha iyo waxgaradka Magaaladass

Madaxweynaha Ayaa wali ku jira Socdaalkiisa isagoo qeybta ugu Badan ku qaadanaya deegaanada Galmudug oo ay wafdiga madaxweynaha tilmaameen in loo baahanyahay dib u heshiisiin balaaran oo halkaasi laga sameeyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.