Gudoomiyihi G/Banaadir Taabit Oo Aqbalay Xil Ka Qaadistii Shalay Lagu Sameeyay

Gudoomiyahii hore  Gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo lahadlay warbaahinta ayaa fafaahin kabixiyay khilaafkii soo kala dhex galay isaga iyo reysal wasaaraha dowladda soomaliya kaasi oo markii dambe dhaliyay in xilkii uu hayay laga qaado.

Taabid ayaa sheegay amni darada ka soo cusboonaatay beryahii ugu dambeeyay gobalkaan banaadir iyo maqaamka muqdsisho oo aanan la cadeynin ay ka dambeysay buu yiri inan isku fahmi weynay madaxda ugu sareysa diowladda taasina ay dhalisay khilaafka.

GudooomiyIhii hore ee gobalkaaan banaadir ahaan duqii muqdisho taabid cabdi maxaed ayaa sheegay inta uu geli lahaa gobalka banaadier jahwarer siyaasadeeed iyo amni daro uu ka door biday inuu wareejiyo xilkii laga qaaday isagoona markii dambe dalbaday in xayiraadii lasaaray aqalka dowladda hoose ee xamar laga qaado.

Taabid cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay shacabka soomaliyeed ee ku noo gobalkaaan banaadir inay is dejiyaan islamarjkaana ay ilaaliyaan xasilooniyada iyo amniga gobalkaan banaadir taa badalkeeda uusan qaadi Karin gobalkaaan marke amni daro baahda.

 

Gudoomiyaha cusub ee magacaaban ee Gobolkaan Banaaider cabdiraxmaan Cumar cismaan yariisow ayaa ku booqday gurigiisa ghudoomiyihii kaga horeeyay gobalka banaadir  islaamrkaana xilka laga xayuubiyay taabid cabdi Maxamed iyagoona ka wada hadlay qaabka loo dhigayo xilwareejintya iuyo in la ilaaliyo xasilooniyada iyo amniga gobalkaan.

Dhinaca kale na Waxaa xusid mudan in taabid uu u balan qaaday eng yariisow inuu la shaqeyndoono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.