Ciidamada Koofi Guduuda oo wali ku sugan xarunta Dowladda Hoose

Xarunta Gobolka Banaadir ee dowladda hoose, ayaa wali waxaa ku sugan ciidamada Koofi guduuda ee ka amar qaata Madaxtooyadda Soomaaliya, kuwaasi oo shalay subax aroortii la wareegay xaruntan.

Ciidan dheeraad ah oo wata gaadiidka dagaalka ayaa shalay lagu kordhiyay ciidamadan, waxayna joogaan illaa agagaarka Xarunta Bankiga illaa Xeebta Curubo iyo nawaaxiga Xarunta dowladda hoose.

Dhaqdhaqaaqa shaqada Xarunta dowladda hoose ayaa hakad ku jirta, waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada Koofi guduuda ah ee halkaasi jooga saaka lagu kordhiyay ciidamo Boolis ah.

Duqii hore ee Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa dalbaday in ciidamadan la dul dhigay Xarunta Gobolka Banaadir laga qaado, si shaqadii Gobolka ka socotay ay u sii socoto.

Shaqaalaha qaar ee Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay shalay iyo maanta inaysan shaqo tagin oo xafiisyadii Gobolka Banaadir ay yihiin kuwa xiran, islamarkaana ciidamo badan ay dhooban yihiin Banaanka Xarunta dowladda hoose.

Saraakiisha ammaanka kama aysan hadlin ciidamadan ka tirsan Illaalada Madaxtooyadda Soomaaliya ee la wareegay guud ahaan xarunta dowladda hoose.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xilkii si rasmi ah uga qaaday Duqii hore ee Muqdisho iyo Ku xigeenadiisa, wuxuuna magacaabay masuuliyiin cusub oo Gobolka Banaadir ah.5

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.