Cali Maxamed Geeddi “Maqaamka Muqdisho waa arrin Dastuuri ah”

Kadib khilaaf soo kala dhexgalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sababtay in xilka laga qaado Thaabit Cabdi Maxamed oo ahaa Duqa Muqdisho

Khilaafka labadan masuul ayaa ka dhashay kadib markii Thaabit uu ku dhawaaqay shirka Nabadeynta iyo Horumarinta Gobolka Banaadir, oo looga hadli lahaa Maqaamka Muqdisho, taasina ay sababtay in xilka uu waayo Thaabit.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay xilka ka qaaday Thaabit Cabdi iyo ku xigeenadiisa, wuxuuna Guddoomiyaha cusub u magacaabay C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo ku xigeenadiisa.

Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo shalay ka qeyb galay Munaasabad lagu soo dhaweynayay Eng. Yariisow ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo masuulkan cusub ee la magacaabay.

Wuxuu sheegay Cali Maxamed Geeddi Ra’iisul Wasaarihii hore in Dastuuri uu yahay maqaamka Magaalada Muqdisho, cidkasta oo Qaranka qabatana ay waajib ku tahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.