Kulan lagu soo dhoweynayo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo ka socda Muqdisho+Sawirro

yariisow

Kulan Qado ah oo lagu soo dhoweynayo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa ka socota magaalada Muqdisho gaar ahaan Maqaayadda Xeebta Liido ee Beach View.

Kulanka soo dhoweynta ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, Xildhibaanada, waxgaradka iyo Dhaqanka Beesha Mudullood, waxaa lagu wadaa inuu hadal ka jeediyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa Eng; C/raxmaan Cumar Osmaan Yariisow u magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,waxaana sidoo kale la magacaabay Guddoomiye ku-xigeenadiisa.

Odayaasha dhaqan ee ka qeyb galaya kulanka soo dhoweynta ayaa la filayaa iney hadalo ka jeediyaan Kulanka oo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin u magacaabista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng; Yariisow.

Warbixintii warbaahinta qaranka Somaliya
yariisow

yariiosw

yariisow

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.