Shirkii Golaha wasiirada soomaliya ayaa qodabo mahiim ah laga soo saaray

Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu shir-guddoominayey Ra’iisu Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyey Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah, Tubta Siyaasada loo dhanyahay, islamarkaasna waxaa looga hadlay arrimo kale oo la xiriira amniga dalka.

Ugu horreyn, Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey Wasiir Maxmaed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka cusub ee Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha oo usbuucii hore safar shaqo ku maqnaa.
Wasiirka Amniga iyo Wasiiru Dawlaha Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey xaalada amniga dalka oo ay sheegeen in howlgalo lagu sugayo amniga ay si xowli ah u socdaan islamarkaasna lagu guuleystey Labaatan (20) maleeshiyad Al-Shabaab ah in la soo qab-qabtay. Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa ka warbixiyay kormeer uu 17-kii Janaayo ee 2018 ku tagey degmada Balcad si’uu ugu kuur galo xaalada amaan ee deegaankaasi, una dhiiri geliyo ciidamada sugaya amniga dalka .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.