Heshiiskii Ahlu suna iyo Galmudug oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb”sawiro”

galmudg

Munaasabada dhameestirka Heshiiska dowlad goboleedka Galmudug iyo Ahlu sunna waljamaaca ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dusmareeb ee ee Xarunta dowlad goboleedka Galmudug waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo Madaxda dowlad goboleedyada, mas,uuliyiin ka socota golayaasha dowladda federaalka Soomaaliyaiyo Beesha caalamka.

Munaasabadaas waxaa madaxdu ay ku bogaaadiyeen heshiiska taariikhiga ah ee labada dhinac horay ay ugu gaareen dalka Djibouti maantana lagu dhameestiray Caasimada Galmudug waxaa ka hadlay halkaas madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo bogaadiyay dhinacyada Galmudug iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay heshiiskaas.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele xaaf ayaa ka hadlay oo isna sidaas oo kale bogaadiyay heshiiska waxaa uu uga mahad celiyay Ahlu sunna sida ay u aqbaleen in la helo Galmudug oo mid ah isla markaana hal maamul leh.
far

galmudg

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.