Shirkii Galmudug iyo Ahlusuna Oo Goor Dhaw ka furmay M/Dhuusamareeb

Waxaa goor dhaw Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ka furmay shirweynaha lagu dhameystiryo heshiiska u dhaxeeyay Ahlusuna iyo Galmudug.

Shirweynaha ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Madaxweynaha Galmudug oo marti loo yahay iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyada oo uu shirkan ka maqan yahay Axmed Madoobe oo cudur daartay.

Sidoo kale Munaasabadan waxaa ku sugan xubnaha Beesha Caalamka oo ay ugu horeeyaan Michael Keating , Guddoomiyaha Midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD iyo xubno kale, kuwaasi oo maanta gaaray Dhuusa-mareeb.

Waxaa khudbado jeedinaya Masuuliyiinta shirkan ka qeyb galeysa, waxaana ay ka hadlayaan sida ay muhiim u tahay in ay midoobaan labadan maamul.

Halkaan nagala soco wixii warar ah ee ka soo kordha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.