Booliska Guinea oo Xabsiga dhigay Haweenay daawo dhireed siisay Haween badan.

Booliiska dalka Guinea ayaa xabsiga u taxaabay haweenay la sheegay in ay dawo dhireed siisey boqolaal haween ah, iyada oo u balan qaaday in ay uur qaadi doonaan.

Dawo dhireedkan ayaa haweenka u yeeley astaamaha uurka, sida mantag, iyo calool kuusan, balse wax ka badan muddo 12 bilood ah ma jiraan wax ilmo ah oo ay dhaleen, iyo wax ilmo ah oo calooshooda ku jira.

Haweenaydan oo lagu magacaabo N’na Fanta Camara ayaa la sheegay in ay qof kasta ka qaadaysay lacag dhan $33 doolar oo ah lacag aad u badan marka loo eego daqliga dadka dalkaas oo bishii ku shaqeeya mushaar dhan $48 doolar.

Booliiska waxa ay aaminsanyahay in ganacsigan ay ka samaysay Fanta lacag kumanaan doolar ah.

Maalintii talaadada illaa 200 dumar ah ayaa banaanbax ka hor dhigey saldhigga booliiska ee magaalada caasimadda ah ee Conakry, halkaas oo Mrs Fanta ay ku xirneyd.

Illaa 700 dumar ah oo da’doodu u dhaxayso 17 jir illaa 45 ayaa la rumeysanyahay in ay arrintan saamaysay.

Arrintan ayaa waxa ay muujineysaa in wali dadka Afrikaanka ah ay ku tiirsanyihiin dawada dhaqanka iyo dadka wax sanceeya. Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 80% dadka Afrika ay ku tiirsanyihiin dawo dhireedka.

“Sanad ayaa laga joogaa illaa markii aan islaantan u tagnay, markii koowaad waxa ay na siisay caleemo iyo waxyaabo kale oo mantag naga keenay, muddo kadib caloosha ayaa na weynaatay” ayay tiri mid ka mid ah dumarkii banaanbaxay oo la hadlaysay BBC

Mrs. Fanta ayaa dumarka sidoo kale ka qaadatay digaag iyo waxyaabo kale oo dheeraad ah.

Dhaqaatiir baaritaan ku sameeyay dumarkan ayaa sheegay in halis badan oo waqti dheer ah ay kala kulmi doonaan dawadan ay qaateen.

Haweenaydan ayaa lasoo taagi doonaa maxkamad, waxaana lagu soo oogey dacwad ah in ay halis galisay nafta dad badan, balse iyada waxa ay sheegeysaa in aysan wax dambi geysanin, islamarkaasna ay caawineysay dumarkan.

Xigasho:BBC

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.