Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland madaxtooyada Jubaland Waxaa Uu Ku Leeyahay Qol Ay Taalo Sedex Kursi Labtop iyo Hal Miis AKHRI

Madaxweyne Ku Xigeenka Jubaland maxamuud sayid aadan oo heyb ahaan ka soo jeedaa gobolka gedo ee maamulka jubbaland ayaa waxaa madaxweyne ku xigeen loo magacaabay 15 bishii may ee sanadkii 2016-kii wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha jubbaland ahmed madoobe oo aqriyay afhayeenka maamulka cabdinaasir seesar maax waxaa lagu sheegay in maxamuud sayid aadan laga dhigay madaxweynaha ku xigeenka koowaad ee jubbaland.
ahmed madoobe ayaa u arkayay in uu maxamuud sayid aadan uu noqon karo midka kaliya ee uu danta gobolka gedo ka fulsan karo maadaama uu yahay nin inta badan jilicsan.
maxamuud sayid aadan oo horey ugu tiirsanaa siyaasiyiin ay isku mabda” ahaayeen oo ay ka mid ahaayeen maxamuud aw-libaax Allaha unaxariistee gudoomiyihii gobolka gedo ee xiligaas kaliil oo uu ahmed madoobe heshiis la galay markaas si uu gobolka gedo u hoos yimaado.
ka dib ahmed madoobe markii uu fiiriyay ninka uu maamuli karo ayuu maxamuud sayid aadan u magaacay madaxweyne ku xigeen asagoona horey maxamuud qayb uga ahaa maamulkii madoobe nuunow maxamed uu hogaamin jiray ee lixda gobol ku salaysnaa ka dibna hawada uu ka saaray shariif xasan shiikh aadan.
maxamuud sayid aadan ayaa hada waxaa uu guri ka dagan yahay magaalada kismaayo ee xarunta maamulka jubbaland waxaa uuna madaxtooyada jubaland galaa todobaadkii sedex jeer mana lahan xafiis rasmi ah ee uu ku shaqeeyo maadaama uusanba lahayn wax awood ah oo uu wax ku maamulo.
marka laga reebo madaxtooyada qol ku yaal oo ay ku qorantahay Xafiiska maxadweyne ku xigeenka koowaad ee jubbaland waana xafiis aan qalabaysnayn marka laga reebo(hal computer laptop) miiska [Desk] iyo Sedex Kursi waxayna ka dhigan tahay in madaxweyne ku xigeenku uusan xafiiska ku qaabili karin wax ka badan 2 qof.
Maxamuud sayid aadan ayaa waxaa uu dhowr jeer ku fashilmay shirar ka dhacayay muqdisho iyo meelo kale oo caalamka mid ah in uu ka qayb galo sababo lagu sheegay in uusan soo dhicin karin waxa ay xaqa u leedahay jubbaland taasina waxay ku sababtay in uu bilaa shaqo noqdo.
marka soo dhawaynta ka dhacayso kismaayo oo ay yimaadaan wafuud kala duwan madaxweyne maxamuud waxaa uu waraaq u qoraa ahmed madoobe oo ah maamulaha maamulka jubaland ka dib ogolaanshaha ka dib ayuu u soo raacaa garoonka diyaaradaha kismaayo.
fashilkii ugu danbeeyay waxaa uu dhacay ka dib markii Ahmed madoobe lagu casuumay Shirka Dhameystirka Heshiiskii Jabuuti ku dhexmaray Galmudug iyo Ahlu-Suna Oo laga rabay in uu gaaro magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug Si la mid kuwa dowlad goboleedyada kale ee Dalka ka jira.
Ahmed madoobe ayaa ka baaqday shirkaas waxaa uuna ku sheegay in uu socdaal ku mari doono gobolada jubooyinka gedo degmooyinka ka mid ah, afmadow garbahaarey doolow iyo balad-xaawo sida la sheegay, ka qayb gali karin heshiistiinta galmudug iyo ahlu-suna.
isla markiiba waxaa waraaq loo diray Maxamuud Sayid Aadan oo madaxweyne ku xigeenka tabarta daran sida aan helnay waxay u qornayd Sidaan” ku” Madaxweyne Ku xigeenka Jubaland Maxamuud sayid Aadan,
“ka” Wadajir Madaxweynaha Galmudug Ahmed Ducaale Geele Xaaf iyo Madaxda Xukuumada Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.
“Codsi” Ka Soo Qayb Gal Shirka Midaynta Dowlada Galmdug iyo Dhamaystirka Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Suna.
Waraaqda ayaana u jeedadeedu Ahayd ka soo qayb gal Shirka Midaynta Galmudug.
Maxamuud sayid aadan ayaa aqbalay codsigaas ka yimid galmudug waxaana uu talaadadii isku diyaariyay in uu ka dhoofo magaalada kismaayo ka dib markii uu yimid garoonka magaalada kismaayo ayaa waxaa ay ciidamada amisom ee ku sugan garoonka ay diideen in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha kismaayo uuna galmudug aado wadahal qadka teleefanka ku dhexmaray asaga iyo ahmed madoobe ma aysan dhicin in ay is fahmaan waxaa uuna dib ugu noqday magaalada kismaayo codsigii galmudug-na uga dhabayn waayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.