Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Qarax ciidamada kenya lagula Eegtay gobalka Jubbada Hoose.

Wararka ka imaanaya Duleedka Magaalada kismaayo ee Xarunta gobalka jubada Hoose ayaa sheegay in  Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM Qarax  lagula eegtay duleedka magaaladaasi

Labadan Qarax oo nuucoodu uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay kolonyo isugu jirtay Ciidamada Kenya, Mareykanka iyo Ciidanka Jubbaland Sida ay sheegeen dadka Degaanka.

Waxaa la sheegay in Ciidamada Qaraxa lala eegtay ay ka baxeen magaalada Kismaayo, iyaga oo ku sii jeeday degaanka Buula-guduud, waxaana ay sahay Millitari u sideen Ciidamo kale ayaa mar qura ka war heleen qaraxyo,kadibna waxaa ay bilaabeen inay rasaas furaan.

Ciidamadii  Qaraxa lala eegtay ayaa waxa la sheegay inay baaritaano ay sameeyeen goobta uu qaraxa ka dhacay,iyagoona Saacado kadib bilaabay in ay dib ugu laabteen magaalada Kismaayo,sababtoo ah cabsi ay ka qabaan in mar kale wadada loo galo ama qaraxyo lagu weeraro.

Dhanka kale Warbaahinta ku hadasha Afka Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay khasaaro gaarsiiyeen Ciidamadii isugu jiray, Kenya,mareykanka iyo jubbaland,iyagoona sheegtay masuuliyada qaraxaasi.

Si kastaba ahaatee Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay kordhiyeen weerarada ay la beegsanayaan ciidamada ka tirsan Xoogga iyo kuwa AMISOM,Balse arintan ayaa ka dambeysay kadib markii Ciidamada xoogga ay howlgalo ka dhan ah Shabaab ay ka bilaabeen degaano iyo degmooyin ka tirsan gobalada Dalka,kaasi oo u jeedkiisu yahay in Shabaab laga saaro guud ahaan Dalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.