Shirkii lagu dhameestiri lahaa heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna oo dib u dhacday.

Wararka saakay naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud ayaa soo sheegaya in uu dib u dhacay shirkii dhameestirka heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug, kaas oo lagu balansanaa in maanta lagu soo gaba-gabeeyo Xarunta Galmudug ee dhuusamareeb.

Wararka aan helnaya ayaa sheegaya in shirkaan uu ubaaqday wafuudii ka qayb gali lahayd qaarkood ka maqan Dhuusamareeb kuwaas oo la sugayo in maanta ay gaaraan Magaalada.

Dadka maqan waxaa ka  mid ah Madaxweynaha Puntland C-wali Maxamed Cali oo ay shalay diyaaradii qaadi laheyd ee UN-ka ay isku dhaceyn.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ka baaqday Shirkaan, qoraal laga soo diray Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ka mashquulsan yahay Shaqooyin deegaanka ah sidaasna uusan kaga qayb gali karin Shirka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.