Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo lagu dhaawacay Gaalkacyo.

Dhalinyaro Bastoolado ku hubeysan ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland ku dhaawacay Sarkaal ka tirsan Ciidamada maamulka Puntland kadib markii ay rasaas ku fureyn Sarkaal-kaasi sida ay dadka deegaanka noo sheegeyn.

Sarkaalka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Muusa Afrax waxa uuna ka tirsanaa saraakiisha qaybta Canshuuraha Puntland, dadka deegaanka ayaa sheegay in lagu weeraray gurigiisa Sarkaalka.

Ciidamada Booliska magaalada Gaalkacyo ayaa bilbaabay howlgal ka dhan ah Kooxihii Sarkaalkaasi Weeraray , waxaana jira dhaliyaro laga soo qabtay Xaafadda Salaama ee Gaalkacyo, Muuse Afrax ayaa dhawaaciisa waxaa lagu dabiibiya Isbitaal ku yaalla Gaalkacyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.