Kheyrre “Waxbadan ayaa ka qabanay arimaha abaaraha iyo Bini-aadinimada.”

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyrre ayaa Muqdisho kaga qeyb galaya Kulan looga hadlayo qorshaha arimaha Bini-aadanimada Soomaaliya ee 2018 oo ay soo qaban qaabisey hay’adda Qaramada Midoobey.

Kulanka Waxaa sidoo kale ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Ururo Caalami ah, Hay’adaha Xuquuqul insaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha Dowladda.

Ra’iisal wasaare Kheyrre ayaa khudbad ingiriis ku baxeysa oo uu jeediyey ku sheegay in Soomaaliya ay ka soo wanaagsananeyso xaga xaquuqul insaanka Marka loo eego sida meesha looga saarey dhacdooyinka Bini-aadanimada ee ka dhici jirey deegaanada Soomaaliya sida kufsiga jirdilka iyo Waxa soo raaca

Waxa uu dunida ka codsadey in laga gacansiiyo sidii Xukuumadiisa ay ula dagaalami laheyd Musuq maasuqa iyo dhacdooyinka Nolosha aadanaha ka dhanka ah

Masuuliyiinta Qaramada midoobey ayaa sheegay in loo baahan yahay Hal dhibic Lix Bilyan Oo doollar US$1.6 Billion  si loogu Caawiyo  Shan dhibic Afar milyan oo Qof 5.4 Million  oo u baahan Gargaar bini’aadanimo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.