Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

gaas

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Gaas ayaa ku tagay Dhuusamareeb diyaarad qaad ah oo ka soo qaaday magaalada Gaalkacyo.

Waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Madaxda Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale, iyadoo la dejiyay guri gaar ah oo looga diyaariyay magaalada.

C/wali Gaas ayaa shalay ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Dhuusamareeb, kaddib markii diyaarad ay leedahay UN-ka ay diiday inay qaado boorsooyin iyo agab aanay baarin, waxaana saraakiisha la socotay Madaxweyne Gaas ay diideen in la baaro alaabtii ay wateen.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhashay magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu ka mid yahay madaxda ka qeyb galeysa Munaasabadda midowga labada maamul ee Ahlusuna iyo Galmudug

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.