Askari ka tirsan Ahlusuna oo nin darawal ah ku dilay Dhuusamareeb

Dilka ayaa ka dambeeyay, markii ninka darawalka oo kaxeynayay gaari kuwa xamuulka ee dhayaxyada qaada uu ka soo baxay meel waddo aheyd oo xirneyd, waxaana askari wadada taagnaa uu markii dambe rasaas ku furay.

Wararka ayaa sheegaya in ninka darawalka ah ay rasaasta ka haleeshay madaxa, oo uu markii dambe u geeriyooday.

Ciidamada Amniga Ahlusuna ayaa markii dambe askariga falka dilka geystay qabtay, waxaana lagu xiray Saldhigga Dhuusamareeb.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo magaalada uu ku sugan yahay Madaxweynaha Farmaajo iyo Madax kale oo ka socota maamul goboleedyada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.