Maxadweyne farmaajo oo ku wajahan Dhuusa-mareeb

farmajo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo socdaal dhanka dhulka ah ku maraya Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa xalay ku hoyday magaalada Cadaado, halkaasi oo loogu sameeyay Munaasabad casho sharaf ah.

Magaalada Dhuusa-mareeb waxaa ka soconeysa qaban qaabada Munaasabadda lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) iyo wafdigiisa.

Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya uu u tagayo Dhuusa-mareeb ayaa qeyb ka ah sidii uu uga qeyb geli lahaa shirweynaha lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Sida la ogsoon yahay maalmahan magaalada Dhuusa-mareeb waxaa ku qul qulayay wufuud kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta Madaxweynaha iyo ka qeyb qaadashada heshiiska dhameystirka ah ee Galmudug iyo Ahlusuna.

Shalay oo ugu dambeysay magaalada Dhuusa-mareeb waxaa gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo, si ay goobjoog uga noqdaan heshiiska dhameystirka ah ee ka dhacaya magaaladaasi.

Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn lagu daadiyay Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug, Ciidamada ayaa xalay sameeyay Howlgallo amni xaqiijin ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda Dowlad Goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.