Shabaab oo sheegtay in ay la wareegeen degaano ka tirsan Baay

shabab
Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo saaka weerar ku qaaday degaanka Daynuunay ee Gobolka Baay, ayaa ugu dambeyn waxaa u suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi.

Xoogaga Shabaab ayaa weeraray deganada Goofgaduud Buurey iyo Daynuunay oo qiyaastii Magaalada Baydhabo u jira 25-illaa 30-KM, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Shabaab ayaa weerarka soo qaaday markii Salaadii Subax ee saaka, iyadoo dagaal la isku adeegsaday hub kala duwan uu ka dhacay deganada Daynuunay iyo Goof-gaduud Buurey.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac, labada dhinac ah, ku dhawaad 10 askari oo labada dhinac ayaa la xaqiijiyay dagaalka inay ku dhinteen.

Ciidamadii Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka ee ku sugnaa deeganadaasi ayaa isaga baxay, kadib markii ay u babac dhigi waayeen Shabaabka dagaalka soo qaaday awoodooda.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay ku sugan yihiin meel aanan sidaasi uga fogeyn Daynuunay oo Baydhabo u jirta 25-KM ayna wadaan abaabul ku aadan sidii ay dib ugu noqon lahaayeen deegaankaasi.

Al-Shabaab ayaa Baraha wararka ay ku faafiyaan waxa ay ku soo qoreen inay si buuxda u qabsadeen deganada Daynuunay iyo Goofgaduud Buurey, kadib dagaal saacado badan qaatay oo ay kula wareegeen gacan ku haynta deganadaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.