Qaban Qaabada shirkii lagu dhameystirayo Wadahadaladii galmudug iyo Ahlusuna oo laga dareemayo Dhuusomareeb

Waxaa lagu Wadaa in Maalmaha soo aadan Magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud in ay ka dhacdo munaasabada ballaaran oo lagu soo gaba gabeynayo dhameystirka heshiisyadii ay gaareen Galmudug iyo Madaxda Ahlusuna Waljamaaca,kuwaasi oo lagu midaynayay labada dhinaca.

Magaalada ayaa Waxaa laga dareemayaa Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda shirweyne lagu soo dhaweynayo heshiiskaasi,kaasi oo lagu dhisayo maamul loo dhanyahay,iyo in nabadda laga wada shaqeeeyo,waxaana ka qeybgalaya madaxda Dowladda Soomaaliya,dhinacyadii heshiisku dhexmaray ee Galmudug ,Ahlusuna,Beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

Saraakiisha Amaanka eek u sugan Magaalada dhuuso mareeb ayaa sheegaya in aad loo adkeeyay Ammaanka magaalada Dhuuso Mareeb Waxaana la sheegay in  amnigu ay adkeynayaan ciidamo aad u badan ,maadaama magaaladu ay marigelinayso shirweyne ballaaran oo lagu dhameystirayo dib u heshiisiinta.

Shacabka ku nool magaalada Dhuuso mareeb ayaa bilaabay Diyaar garow ku aadan Soo Dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Marti gelinta Shirka lagu dhamestirayo heshiiiskii ay gaareen Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir ayaa ugu baaqey shacabka in ay ka qeyb qaataan soo dhaweynta heshiisyadaasi iyo marti gelinta hsirka,isagoo dhanka kale kulan soo dhaweyn ah u sameeyey guddoomiyaha Guddiga madaxa banana ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey oo ku sugan halkaasi.

Dhawaan ayaan aheyd markii Shirka lagu heshiisiinayay Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna ay kala dhaceen magaalada jabuuti ee dalka Jabuuti iyo Magaalada Muqdisho,Waxaana kan sedexaad lagu balamay in lagu qabto magaalada dhuuso mareeb ee gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya,oo la filayo inuu tago Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.