Ciidamo dheeraad ah oo tagaya Caasimadda Galmudug

Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan AMISOM ayaa saacaddaha soo socda waxaa lagu waddaa in ay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Ciidamadaan ayaa Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug waxa ay ku sheegeen in loogu tala galay in ay xaqiijiyaan Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyadda ayaa tagi doona Magaalada Dhuusa mareeb si ay uga qeyb galaan kulan lagu dhameystiraayo Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna.

Waxaa sidoo kale hadda Magaalada Dhuusamareeb ku sugan Xildhibaano iyo Wasiiro ka socda dowladda Soomaaliya.

Horay ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaa u tagay Ciidamo ka socda dowladda Jabuuti , kuwaasoo la sheegay in ay wax ka xaqiijinayaan Ammaanka Magaalada8

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.