Daawo:Jawaabtii laga bixiyey aflagaadadii BBCda ay u Geystay booqashadii Madaxwynaha soomaliya ku tagay Puntland

bbc

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Carmo, Waaciye, Boosaaso iyo degaannada Sheerbi, Xiddo, Alxamdulilaah, Ceel Daahir, Jiingadda, Wardheer, Yalho, Kalabeyr, Karin iyo Laag oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa sheegay in sanadkan 2018 uu noqonayo sanadkii dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, safarkiisuna uu salka ku hayo nabadeynta iyo la tashiga shacabka.
Hadaba shaqaalaha BBcda ayaa waxay ka xumaadeen sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey Madaxwaynaha Soomaliya waxayna isku dayeen inay qoraan qoraal ka been sheegaya dabaal dagyda Iyo soo dhaweynta loo sameeyey Madaxwaynha Soomaliya waxayna qoreen sidaan “Madaxwayne Farmaajo miyuu Ubareeray Halista Galgala hadalkaan ayaa ah mid aan laga fiirsan“.
Aqoon yahay Cabdi Maxamed Warsame”Deeq Faandhe ayaa waxuu eedayn dusha uga tuuray shaqaalaha Bbcda Isagoo sheegay hadalkay qoreen BBcdu inay tahay hadal aflagaado ah loona gaystay Madaxwaynaha Soomaliya, Shacabka Iyo Madaxda Puntland asagoo intaas ku daray Deeq Faandhe Shacabka Iyo Madaxda Puntland uma horseedayaan Madaxwaynaha Iyo waftigiisa meel halis kajirto hadalka Bbcdana wuxuu hadaladii ay sheegi jireen oo ay ku taageerayeen alshabaabka.
Uga Dambayntii Deeq Faandhe ayaa waxuu ka Codsaday bbcda inay Raali galin kabixiyaan qoraalkii ay kasameeyeen waftiga Madaxwaynaha Iyo shacabka Nabada Jecel ee Puntland

Hoos kadaawo Wareysida Idaacada Daljir Iyo wariye Cumar Lakiman

bbcda

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.