Taliska Ciidanka Danab Oo Sheegay In Ay Bur-Buriyeen Saldhigii Ugu Weynaa Al-Shabaab Ee G/Shabeelaha Hoose.

War Qoraal ah oo Ka soo baxay Ciidamada kumaandooska soomaaliya ee Danab ayaa Lagu Sheegay In ay bur buriyeen xaruntii ugu weyneed Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka shabellaha hoose.

Degaanka leego ee Gobolka shabellaha hoose oo Al-shabaab ay ku lahayeen baro kontorool ayaa la bur buriyay ka dib howlgal halkaasi ay ka fuliyeen ciidamada Danab Ee Kumaandooska ah ee Somalia.

Taliyaha ciidamadaasi G/sare Ahmed Cabdullahi sheikh Oo la hadlay idaacad ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa Sheegay in howlgal Gaar ah ciidamada kumaandooska soomaaliya ay ka fuliyeen degaanka leego ay ku bur buriyeen Saldhigyo Al-shabaab ku lahayeen Halkaasi.

G/Sare Ahmed cabdullahi sheikh waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada kumaandooska ay howlgalka ku dileen ciidamo ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo tiradooda uu ku sheegay 10 Dagaalame.

Saldhigyada ciidamada ay bur buriyeen ayaa la sheegay in Al-shabaab ku qaadi jireen lacago canshuur ah.

Taliyaha ciidanka Danab waxa uu ugu dambeyn sheegay in ciidanka kumaandooska soomaaliya ay xoojiyeen howlgalada lagu ciribtirayo Al-shabaab islaamrkaana looga saryo deegaanada ay kaga suganyihiin gobaladda dalka.

Waxaa Muuqata In uu sii Kordhayo Cadaadiska  Saaran Saldhigyada Al-shabab ku leyihiin Gobolada Dalka Oo Marka Laga Soo Tago Weerarkani qorsheysnaa Ay jirto

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.