Qaban Qaabada Soo Dhaweynta Madaxweyne Farmaajo Oo M/Gaalkacyo Ka Socoto

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka soconaysa saaka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Madaxda maamulka Galmudug iyo qeybaha bulshada ayaa isku diyaarinaya soo dhaweynta madaxweynaha,waxaana Gaalkacyo ku sugan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf,Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa siweyn loo dakeeyay,iyadoo la arkayay ciidamo farabadan oo roon deynaya wadooyinka iyo shacab oo u diyaar garoobaya soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Soomaaliya.

Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa maanta magaalada Gaalkacyo uga bilaabanaysaa booqasho uu ku marayo deegaanada Galmudug.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda ku sugan Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,halkaasi oo lafilayo in dhawaan uu ka soo kictamo wafdiga madaxweynaha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.