Faallo: Wasiir Aw-xirsi ” Hogaanka Hormarka Jubbaland” W/Q Cali Somali

Aadan Ibraahim Awxirsi, waa wasiirka cadaaladda iyo arimaha Dastuurka ee Jubbaland, waa aqoonyahan ku dhashay Degmada baardheere ee koonfurta gobolka gedo halkaa oo uu waxarashadiisa hoose, dhexe iyo sare uu kusoo qatay.

Wuxu kamid ahaa dadkii colaadaha dalka kadhacay aawadood dibadaha u hayaamay, isagoo mudo sanadooyin ah daganaaa Magaalada columbus ee gobolka Ohio ee dalka ee mareykanka, hakaas oo uu waxbarasho jaamacadeed kusoo qaatay,wuxuu bartay Culuumta dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Wasiir aw-xirsi ayaa soo qabtay xilal kala duwan sida gudoomiyaha Gobola gedo intii u dhaxeysay 2006-2008, wixii xiligaas ka dambeeyey waxa uu u wareegay siyaasadda federaka isagoo kasoo dhex muuqday fagaarayaasha siyaasadda ee dowladda dhexe gaar ahaane wuxuu lataliye usoo noqday Raisal wasaarayaashii kala ahaa Cabdi faarax shirdoon iyo cabdi wali sheikh axmed maxamed, oo muddo xileedyadooda uu kusoo shaqeeyey xilka lataliyaha siyasaada ee xafiisyada masuuliyiintaas.

Hadaba hadaan intaas kaga gudbo arar u sameynta qormadeyda, Wasiir Awxirsi ayaa tan iyo intii loo magacaabay xilka wasiirka Cadaaladda iyo arimaha dastuurka ee Jubbaland bartamihii bishii 5-aad ee 2016kii wuxuu wasaaradda kusoo kordhiyay wax qabadyo dhowr ah, sida ka shaqeynta dib u eegista dastuurka federaalka oo laan wasaaradiisa kamid ah ay hoos timaado, dhismaha Golaha adeegga garsoorka ee heer dowlad goboleed iyo waxqabadyo kale oo dhowr ah.

Dhawaan ayaa qoran faallo aan kaga hadlayay garsoorka gobolka gedo, waxaan marnaba ilaawi Karin jawaabtii uu iga siiyay dhaliisha aan ujeediyey wasaradiisa isagoo durba taaba galiyay balanqaadkii, muddo usbuucyo ah oo uu soo joogay xarun goboleedka gedo ee garbaharayne, didabaada u aasay Golihii adeega garsoona jubbaland qeybta gobolka gedo, oo dhalinyaro la shaqaaleysiiyay ay durba haw-galeen.

Wasiirka ayaa dhisay garsoor ka kooban afar xubnood oo heer gobol ah, afar heer degmo oo garbaharay ah iyo afar racfaanka maxamadda Gobolka ah.
Sidoo kale wuxuu dhisay xarunta xalinta khilaafaadka oo odayaasha dhaqanku leeyihiin wuxuuna siiyay guri iyo xafiisyo, ay ku shaqeeyaan si waajibaadkooda shaqo gudashada ay ugu sahlanaato.
Wuxuu haw-galiyay dhalinyaro waxbaratay si ay hawshaan fulinta iyo xog aruurinta uga shaqeeyaan, taas oo ah shaqo abuur iyo haw-fududeyn.

Dhinaca kale dhalinyaro ayuu wasiirku siiyay fursado shaqaale kab “Interns”ah ayagoo garsoorka caawin doona mushaar iyo fursado shaqo abuurne ka heli doona.
Qalin kuma soo koobi karo, waxyaabaha uu qabtay wasiir Awxirsi muddo xieedkiisa, waxaana oran karaa waa wasiirka ugu shaqada badan wasaaradaha jubbaland, isagoo mudadaas uu xilka hayane muujiyay karti iyo hufnaan ay xirfadi ku dheehan tahay.

Wasiirka oon la xiriiray wuxuu iisheegay in qorshayaal kuwaas kabadan ay horyaalaan sanadkan bilowga ah ee 2018ka waxaana rajeynayaa inuu sida uu u qorsheystay utaaba galiyo dhamaan waajibaadkaas shaqo ee uu u hayo shacabka ku dhaqan deegaanada jubbaland.
Waxaan urejanayaa in howlahaa uu qabtay ey Gobalka wax badan ka badali doonto, laguna xasuusan doono dadaalka ballaaran.

WQ: Cali Sheekh Adam Yuusuf “Cali Somali”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.