Madaxwaynaha soomaliya oo kumaan dada ay kusoo dhaweeyyen Galkacyo”Sawiro”

farmajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo maanta ka soo amba baxay Boosaaso ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Galkacyo iyadoo madaxwaynayaasha Galmudug,Puntland Iyo taliyaha ciidanka Soomaliya, wasiiro iyo boqolaal kamid ah shacabka magaaladaasi ay soo dhaweeyeen madaxweyne Farmaajo.
Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana lafilaya wafdiga madaxweyanaha in uu la kulmo madaxda Galmudug iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.
gal

farmajo

farmajo

farmaajo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.