Daawo:Axmed Madoobe oo loogu Baaqay inuu fuliyo Balantii uu sanad kahor galay iyo Isbitaalka Jaale Siyaad ee Garbaaharay oo lafuray

madoobe

Waxaa Magaalada Garbaaharay ee Gobolka Gedo ka dhacay Munaasabad xariga looga jaraayey Isbitaalka Jaale siyaad munaasabadii xariga looga jaraayey ayaa waxaa ka qayb galay maamulka degmada Garbaaharay, qaybaha kala duwan ee Bulshada Iyo jaaliyadaha ka qayb qaatay dhismaha isbitaalka oo wakiil ka aayeen Deeqa Maxamed Siyaad Barre, Canab Cali xaashi Iyo Yaasmiin dhaba cadeeye.

Waxaana uGu horaytii ka hadlay Deeqa Maxamed siyaad Barre oo kawaran tahay xaaladihii soo maray isbitaalka Iyo dhibka laga soo maray waxayna kula dardaarantay in la ilaashto Isbitaalka oo qof walba qaybtiisa ka qaato isbitaalkuna umada oo dhan u dhaxeeyo.

waxaa kaloo goobta ka hadlay Yaasmiin dhaba cadeeye oo sheegtay Isbitaalkaan uu furan yahay lagana faa’idaysto waxay kaloo ka codsatay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu fuliyo Balan qaadkii uu u sameeyey mudo hore isbitaalka Jaale siyaad.

Waxaana uGu dambaystii xariga Ka jaray Gudoomiyaha arimaha Bulshada Cabdulaahi Biin isagoo umga mahad celiyey dadkii ka qayb qaatay dhismaha isbitaalka Jaale siyaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.