Qarax ka dhacay gudaha Guri lagu diyaarinayay oo ku yaala D/Kaaraan.

Xalay saqdii dhexe ayaa Qarax xoog leh waxa uu ka dhacay guri ku yaala degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir, qaraxaas oo la sheegay in lagu diyaarinayay Guri ku yaala D/Kaaraan.

Saraakiisha amaanka degmada Kaaraan ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay xalay saqdii dhexe in ay maqleen dhawaaqa Qarax culus oo ka dhex dhacay Guri u dhaw xarunta degmada Kaaraan, kadibna ay la wareegeen Gurigii qaraxa ka dhacay iyo qaar ka mid ah dadkii ku noolaa.

Qaar ka mid dadkii daganaa Guriga ayaa ka baxday ka hor inta aysan Ciidanka soo gaarin, balse qaar ka mid ah ayaa la qabtay, sida ay sheegayaan Laamaha amaanka.

Ma jirto wax khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo la sheegay in uu qaraxaasi sababay, kaaraan ayaa Waxaa ku badan Qaraxyada nuucaan oo kale ah.

Hore ayaa dhowr jeer qaraxyo nuucaan oo kale ah, waxay uga dhaceyn Xaafado ka mid ah degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.