Deg,Deg gudoomiyaha gudiga doorashooyinka oo lagu xidhay magaalada dhuusamareeb ee xaruunta gobolka galgaduud.

deg
War  nagaso gaarayo magalada Dhusamareb ee caasimada gobolka Galgaduud aya sheegayo in xabsiga loo taxabay Guddomiyaha Guddiga Doorashoyinka madaxa banaan ee Soomaliya Xaliimo Ismacil Ibrahim (Xalimo Yarey).

Faah-faahinta aya tibaaxeyso in maamulka Ahlusunnna eey yihin cida xariga geysatay wexeyna Xalimo haatan ku jirta xabsiga dhexe ee magalada Dhusamareb lamana ogo xaalada rasmiga ah eey ku sugan tahay.

Goob_joogayaal ayaa sheegaya sababta xiray gudoomiyaha gudiga doorashooyinka ay tahay khilaaf soo kala dhex-galay Xalimo Yarey iyo madaxda maamulka Ahlusunna waxana la isku afgaran wayay habka loo maamulayo shirka wada-tashiga ee la rabay in eey ka qabsanto Dhusamareb taasi oo looga arinsanayay Doorashada 2021 iyado oo haatan ka socoto in badan oo kamid ah gobollada dalka.

Wixi faah-faahin ee kuso kororto xariga Guddomiyaha Doorashooyinka Xalimo Yareey wararkeena dambe kala socda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.