XOG: Axmed Madoobe oo balan qaad uga baxay Ree Gedo.

madoobe

Sanadkii hore waxaa jiray balan qaad uu hogaamiye Axmed Madoobe u sameeyey gabadhaha gacanta ku haya dib u hawl-galinta Isbitaalkii Gobolka Gedo ee hadda loobixiyay Jaalle Siyaad Hospital oo kuyaala Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo.

Hadaba xagee ku dambeeyey balanqaadkii uu u sameeyey Axmed Madoobe gabdhaha sida iskood ah isu xilqaamay ee hawshaan min bilow ilaa dhamaad u taagnaa albaab kastana u garaacay ka dhabeynta riyadaas u rumowday??.

Waxaa rumowday in Axmed Madoobe uu balantii kabaxay, iyadoo tani aysan aheyn balanqaadkii ugu horeeyey ee uu uga baxo bushada gobolkaas.

Sidoo kale waxaa Kismaayo ku xayiran Dhalinyaradii kasoo jeeday Gedo ee magaca jubbaland koobka kusoo qaaday, taasi oo hadda ay sababtay in ay uga bixi waayaan Magaalada kismaayo, iskaba daa safar ay gedo kusoo aadi lahaayeene.

Qaar kamid ah gabadhaha oon xiriir lasameynay ayaa inoo xaqiijiyay in habayaraatee wax ka fulay balanqaadkaas uusan jirin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.