Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Somaaliya oo Cabudwaaq ku wajahan.

Magaalada Cabudwaaq ee bartamaha Somalia waxaa ku wajahan wafdi balaran oo isugu jira Xildhibaano Fadaral ah , Xildhibaano heer Galmudug ah iyo la taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Ali Daahir Ciid.

Wafdigaan ayaa hordhac iyo gogol xaar u noqondoona boqasho rasmi ah oo u madaxweynaha Somalia mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo ku tagi doono Magaalada Cabudwaaq 16 ka bisha Janaayo.

Wafdigaan hordhaca ah ayaa waxaa ka mid ah Fanaanintii qaran ee waabari kuwaas oo kala ah Faduma Nakruuma iyo Shimaali Axmed Shimaali, sida uu ii xaqiijiyay La taliyaha Madaxweynaha Ali Daahir Ciid oo asagu ah xubinta ay Madaxtoyada Qaranka u qabilsan Boqashada Cabudwaaq.

Guud ahaan Magaalada Cabudwaaq ayaa si weyn ugu diyaar garowday so dhaweynta Madaxweynaha Somalia mudane Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.