Mas`uul Ka Tirsan Maamulka Degmada Heliwaa Oo Ka Bad baaday Qarax Gaarigiisa loogu Xeray.

Wararka naga soo gaaraya nawaaxiga Shaneemo Cabdi Waayeel ee Degmada Heliwaa ee Gobolkaan Banadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax gaarigiisa loogu xeray  oo lala eegtay Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada Heliwaa

Abshir Kaaraan gudoomiye kuxigeenka dhanka amniga maamulka degmada heliwaa ayaa ka bad baaday qarax gaarigiisa loogu xeray

Saraakiisha ammaanka Degmada Heliwaa, ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaasi uusan waxba khasaare gaysan.

Ciidamada dowladda oo goobta tagay ayaa waxa ay sameeyeen baaritaan waxa ayna soo qabteen tiro dhalinyaro oo ay ku tuhmayaan inay miinada qarxiyeen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.