Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Qardho

puntland

Wafdigii uu hogaaminayo madaxweynaha Dowlada Fedralka Soomaaliya Maxamed C.llaahi farmaajo ayaa gaaray Magaalada Qardho ee Puntland, waxaana soo dhaweeyay dad si gaar loo qorsheeyay in ay u soo dhaweeyaan wafdiga madaxweynaha uu hogaaminayo.

Wadooyinka magaalada Qardho ayaa lagu hardhay Calanka Buluugga ah ee jamhuuriyada soomaaliya iyo kan Puntland, sidoo kale Waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada, waxaana amaanka sugaayay ciimada Puntland iyo ciidamada Madaxtooyada dowlada Soomaaliya oo si hor dhac ah halkaas loo sii yeegay.

wuxuuna kulamo la qaadan doonaa Masuuliyiinta,Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho ,isagoo kala hadli doona Arrimo badan oo ku saabsan horumarka Bulshada iyo sidii wadajir loogu wada shaqeyn lahaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.