Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku wajahan Garowe

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay ku wajahan magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Safarka Madaxweynaha ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago Puntland tan iyo markii Madaxweyne loo doortay muddo ku dhaw sanad ka hor.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Xildhibaano, wasiiro, saraakiil ciidan iyo Madax kale oo ka tirsan Hay’adaha Dowladda waxa uuna safarkooda qaadan doonaa muddo dhowr maalmood ah sida ay sheegeen saraakiisha Madaxtooyada Dalka.

Madaxweynaha ayaa ka qayb-gali doona Xafladda furitaanka Garoonka magaalada Garowe, Dabaal-dagga sanad guuradii 4-aad ee ka soo wareegatay doorashada Madaxweyne Gaas, madaxweynaha ayaa kadib lagu wadaa in uu booqdo magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho waxa uuna la kulmi doonaa dad isugu jira ganacsato iyo dhaqan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale socdaal ku mari doona magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxaana suurta gal ah in madaxweynaha uu halkaasi kula kulmo Ciidamada isku dhafka ah iyo dhaqanka waxa uuna kala hadli doonaa joojinta dhibaatooyinka dagaalka ah.

Markii uu ka soo dhamaado socdaalka Puntland Madaxweyne Farmaajo ayaa usoo gudbi doona Galmudug, waxa uuna gaari doonaa magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb sida ay sheegeen guddiga qaban qaabada socdaalka Madaxweynaha.

Safarka madaxweynaha ayaa noqonaya socdaalkii ugu balaarnaa ee uu ku maro Gobalada Dalka Soomaaliya hadii uu u dhaco sida loo qorsheeyay, waxa uu sidoo qaadan doonaa maalmo ku dhaw todobaad sida aan ka soo xiganay saraakiisha Madaxtooyada Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.