Gudoomiye Thaabid oo amar ku bixiyay in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay dilkii habeen hore ka dhacay xamarweyne

tabit

Gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed oo shir jaraa,id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in magaalada muqdisho ay ka dhacaan mar waliba dilal qorsheesan oo lagu waxyeeleynayo shacabka Sooamliyeed iyo ciidamada intaba .

Gudoomiye Thaabid ayaa sheegay inuu doonayo in si deg deg ahi loosoo qabto dadkii ka dambeeyay dilkii qorsheysnaay ee habeen hore ka dhacay degmada xamar weyne e gobalkaan banaadir kaasi oo lagu dilay labba dhalinyaro oo mid kamid uu ahaa macalim dugsi quraan sida la sheegay.

Wuxuuna intaasi ku daray in kooxaha dilka ka geysta gobalkaan banaadir deetna ka baxsada goobta ay falka ka geystaan aysan ahayn mid la aqabali karo.

Taabid cabdi Maxamed gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada muqdiosho ayaa ka dalbaday  shacabka soomaliyeed in ay   kaalintooda  ka qaataan nabadeynta caassimada soomaliya, islamarkaana ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ku howlan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.