Ganacsatada Qaadka kenya oo Cabsi ka muujiyay Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

qaad

Dadka Daabula Qaadka ayaa sheegay in ay Badasheen wadooyinkii ay soo marin jireen qaadka lageeyo Gobolka Woqooyi Bari Kenya iyo Koofurta Soomaaliya Cabsi ay ka qabaan in ay Al-shabaab wadooyinka ugalaan.

Gudoomiyaha Ururka Iskaashatadda Qaadleeyda Kenya Isaiah Mwambiu ayaa shegay in Gawaaridda Daabusha Qaadka ay tiro Dhowr jeer ah la kulmeen Weerarro ka dhacay Wadadda isku xirta Wajeer iyo Madeera, wuxuu sheegay in Al-shabaab ay galeen Wadooyinka Si ay u gubaan Gawaaridda Qaadka Sidda una dilaan Shaqaalaha.

Sidoo kale Ganacsatada ayaa sheegay in ku dheeraadeen Wadooyinka Cusub ee ay istcimaalayaan  si ay qaadka Suuqyadda u geeyaan

Wadooyinka Gobolka Woqooyi Bari waxaa gala Dagaalamayaal ka Tirsan Al-shabaab oo weerara Gawaaridda Ciidamadda Kenya iyo kuwa rakaabka ah ee Wadooyinkaas isticmaala.

Weeradda Dhabo gal ah ee Al-shabaab waxaa ay keeneen I gawidda Rakaab ka ah Xilliyadda Habeenkii laga Mamnuuco Wadooyinka Woqooyi bari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.