Madaxweynaha Somaliland oo maanta kulamo la leh Madaxda Jabuuti.

muuse

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa xalay kulamo la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti.

Waxaa  uu kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil cumar Geelle oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin Xiriirka, Ganacsiga iyo dhanka Amniga.

Sidoo kale Wasiirradda iyo taliyeyaashii ciidan ee la socday ayaa dhankooda la kulmay Wasiiro iyo taliyeyaal ciidan.

Madaxweynaha Somaliland ayaa booqashadii ugu horreyay tan iyo markii la doortay ku tagay dalka Jabuuti.

Safarka madaxweynaha  uu joogo dalka Jabuuti ayaa qaadan doona maalmo kooban, waxaana marti-qaad rasmi ah u soo diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Maanta ayaa sidoo kale lafilayaa in wafdigaan uu hor kacayo mdaxweynaha Somaliland in ay kulamo laqaataan mas`uuliyiin ka tirsan dowlada jabuuti.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.