Ciidamada xoogga oo Dhaq-dhaqaaq Ciidan ka wado Degaanka Goofgaduud Buurey.

Wararka naga soo gaaraya degaanka goofgaduud buurey ee gobalka Bay ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga iyo kuwa Maamulka koofur galbeed ay Dhaq-dhaqaaq ciidan ay wadaan tuulooyin hoostaga Degaankaasi.

Xasan Wardheere Xuseen gudoomiyaha degaanka Goofgaduud Buurey ayaa Waxaa uu Sheegay in dhawaan ay duulaan ku qaadi doonaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan Tuulooyin hoostaga Degaankaasi.

Sidoo kale Waxaa uu Tilmaamay in Al-Shabaab ay go’doomiyeen Wadada isku xirta Degaanka goofgaduud buurey iyo degmada waajid.

Gudoomiye Xasan ayaa Waxaa uu sheegay in Shabaab ay Mararka qaar weeraro ka geystaan degaanka goofgaduud Buurey,islamarkaana ay Halkaasi ka baxsadaan,balse Waxaa uu xusay in Awoodooda ay yaraatay Shabaab.

Degaanka Goofgaguud buurey ee  Gobalka Bay ayaa Waxaa ay ka mid tahay meelaha inta badan Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay Weeraro ka geystaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.