Howlgalo habeenkii Labaad laga sameeyay magaalada Muqdisho

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa habeenkii 2aad Howlgalo ka sameeyay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo qabtay dhalinyaro ku dhaw 200 oo ruux.

Degmooyinka howlgalada laga sameeyay waxaa ka mid ah Shibis oo ka mid ah degmooyinkii habeen hore sidaan oo kale loo baaray sidoo kale degmada Xamar weyn iyo xaafado kale sida ay sheegeen Laamaha amaanka.

Taliyaha Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ee degmada Shbis ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in ay soo qabtayn ku dhawaad 100 qof, qaar ka mid ah dadka la soo qabtay ayaa dib loo sii daayay, waxaana ciidamada ay ka reebtayn dad kooban oo la tuhmayo.

Howlgalkaan ayaa ah habeenkii Labaad oo muqdisho laga sameeyo, waxaay ku soo beegmayaan xilli maalmihii la soo dhaafay ay Muqdisho ka dhacayeen dilal loo gaysanayay dad shacab ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.