Dilal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha hoose

Kooxo hubeysan ayaa saacadihii la soo dhaafay dilal dad isugu jira shacab iyo ciidan ugu geestay degmada afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ugu yaraan Labo qof ayaa lagu dilay degmada oo kala ahaa qof ka tirsan Nabadoonada degmada Afgooye iyo mid ka mid ah Ciidamada Soomaaliya, waxana fuliyay dhalinyaro Bastoolado ku hubeysnaa.

Saraakiisha amaanka ayaa   xaqiijiyay in ay jiraan dilalkaasi laguna raad joogo dadkii ka dambeyay dilalka ka dhacay Afgooye.

Afgooye ayaa ka mid ah meelaha ay ka dhacaan dilalka inta badan, waxaana muuqan ilaa hadda wax ay ka qabtayn Ciidamada amaanka Soomaaliya ee ku sugan degmadaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.