Iftiinkii Maktabadda garbahaarrey (Garbahaarrey library- مكتبة جربهاري)W/Q Tabaarak Cumar Xirsi

tabarak

Maktabbaddu waa maskaxda kaydiyaha qarsoon sida qofka u leeyahay maskax wax ku kaydsada ayaa makatabadduna ummad waliba ku kaydsataa aqoonteeda, afkaarteeda iyo dhammaan macluumaadka bulshada wax tarka u leh,waxaase u dheer in ay tahay muraayadda koobaad ee laga fiirsho bulshada, gaar haan markii larabo in la cabiro heerka aqooneed ee waddan-ka ama magaalada waxaa isha laga buuxsadaaa nidaaam-ka waxbarasheed iyo in ay leedahay goobo wax lagu akhrista sida Makatabadaha iyo matxafyada waa-weyn ee lagu kaydiya raad-raaca iyo dhaqanka dal-ka.

Tusaale ahaan sanadaii 60-70 yadii waxaa tijaabo lagu sameeyay in laga yagleelo maktabado dal-ka Ciraaq si loo qaado heerka waxbarasho iyo wax akhris ee dal-ka, natiijadi soo baxaday ayaa ahayd mid aad loogu riyaaqaay, iyadoo ay soo baxeen jiil wax badan fahmasan, oo kaalin weyn ka qaatay isbedlka aqooneed ee dal-ka.
Dhanka kale dawaladah reer galbeedka ayaa aad oogu dadaalo in ay u sameeyaan goob waliba oo dad isugu yimaado goob yar oo wax lagu akhrista, marka laga soo tagao goobaha waa weyn ee caamka ah sida iskuulada iyo jaamacdaha, iyadoo marar ka qaaaar ay ku amaraan waalidka in ay u sameeyaan caruurtooda qol akhris oo u gooni ah)a seprate reading room).
Dhanka kale Waxaad arkayasaa in ay sii hormartay qaab dhismeedka maktabadaha caalamka, tusaale ahaan waddamada, Tuunis, aljeeriya iyo kuwa kale oo badan waxaa jira waxa loo yaqaan maktabadaha wareego oo xitaa baabuurta laguugu keenayo iyo gurigaada, sidoo kale tiknoolijiyada ayaa iyana fududyasay makatabadda oo waxaa jira maktabadaha gacanta (Mobile library) oo qof-ka waqti waliba wax aqriso, haseyeeshee ay yartahay nisbada wax akhrisa iaydoo ay xusid mudantahaya in diinteenna Suuban aayaddii ugu horreyasay ee soo dagto ay na amrayasay wax akhriska.

Intaas ka dib waxaan aad u bogaadinaynaa dhalintii iyo mufakiriintii ka qayb qaadatay yagleelidda maktabaddaan Cusub oo runtii aan oran karno in ay tahay fikrada soo daahday yagleelideedda iyadoo ay jiraan boqollaal dhalinyaro iyo ufakariin ah ay maskaxdooda ka guuxaysay fikraddaan, balse maanta ay nasiib u yeesheen in ay ka qayb qaataan ama arkaan guuxii maskaxeed oo ficil iyo dhaq-dhaqaaq billabay.
Waxaa kale oo iyana aan lamoogayn in magaaladu ay leedahay maktabad ay u soo halgameen culimada magalaada iyo qurbo joog balse makatbaddaan cusub ay noqoto mid wax dheeri ah iyo qaab casri ah ku soo kordhoso maktabaddii hore, kana haqab tirto bulshada dhammaan culuumta noocyadeeda kala duwan

Ugu damabayn waxaan leenahay, waa fursad mudan in laga faa’iidaysto kana qayb qaadan karto hormarka shakhsiyeed iyo tan bulshaba, waayo culimada tarbiyada)Education scientists) waxay dhahaan(بناء الإنسان أصعب من يناء العمارة) oo macnaheedu yahay in dhisidda masakaxda dadka ay wax baddan ka adagtahay dhisidda dhismayaasha waaweyn , sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa in mamaulka iyo bulshada reer Garabaharrey dal iyo dibad ay ka qaybqataan dhisidda iyo taabba gelinta hawshaan iyadoo qof waliba karaankiisa awoodeed iyo fikardba ku biirinayao iftiinkaan u hillaacay bulsho weynta gobol-ka Gedo gaar ahaan reer Garbahaarrey.

Fadlan lawadaag asxaabta kale ee jecel hormarka waxbarasho ee bulshada.

F.G: wixii macluumaad ah waxaad noogu soo diri kartaa Gmail.ka: garboedu123gmail.com
Soo gudbiye: Tabaarak Cumar Xirsi
Date: 05/01/201

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.