Yuusuf Garaad “Jaawbtii Xil-Ka-Qaadistayda “

Halka ka aqriso qoraal uu bartiisa soo dhigay Wasiir Yuusuf Garaad Cumar oo ka mid xubnihii maanta xilka laga qaaday.

Haddii aad qormadaan u akhrineyso in aad ka hesho war dowladda ama madaxda Qaranka dhaawaca fadlan halkan ku jooji.

Maaddaama aad akhriska sii wadday waxaan u arkaa in aad dooneyso in aad dareenkeyga ogaatid.

Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, aan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra’iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta soo hor dhigo Golaha Wasiirrada,  ayaa qof saaka iga soo wacay dalka Mareykanku uu ii sheegay in xilka la iga qaaday.

Ka dibna waxaan telefoon u diray oo aan ka hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay.  Wuuna ii xaqiijiyay.  Ra’iisal Wasaaraha inkata oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan.

Waan xusuustaa in hadda ka hor uu Madaxweynuhu igu yiri afar sano waan isla dhammeysaneynaa.  Niyad wanaag ayaan uga arkay laakiin kama rumeysan. Umana heysan in uu damcay in aanuu run ii sheegin.  Laakiin waxaan ogaa in ay u badan tahay in aanay suurta gal noqon.

Ugu horreyn, si buuxda ayaan u aqbalay xilka aan Qaranka u hayay ee la iga qaaday.

Marka xiga, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, waxaan uga mahadcelinayaa in aniga oo aan midkoodna weydiisan ay bishii March 2017 Soomaali oo dhan ay aniga iga soo xuleen, ka dibna ay ii magacaabeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalkeyga, markaas oo aan noqday Wasiir Arrimo Dibadeed oo aan dalka dibaddiisa looga yeerin ee isaga oo caasimadda jooga oo Dowladda u shaqeeya la magacaabo.

Waa qaddarin, mudnaan, sharaf iyo  aamminaad aad u weyn.  Waan ka mahadcelinayaa.

Waxaa kale oo aan uga mahadcelinayaa wada shaqeynta iyo qaddarinta aan ka helay xilligii aan xilka hayay.

Inkasta oo aan ahaa nin ay Soomaali badani taqaan, aan ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Qarammada Midoobay ee New York, haddana Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha midkoodna 2017 ka hor ma aynaan wada shaqeyn.  Xiriir dhowna ma aynaan lahayn.  Sidaa darteed saaxiibbada kalsooni ay ku qabaan aqoonteyda, khibraddeyda iyo daacadnimadeyda dartood ka dhaadhiciyay in ay aniga ii xushaan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyagana waan u mahadcelinayaa.  Xataa waxaan u mahadcelinayaa kuwa laga yaabo in aanay raalli ka ahayn in la i magacaabo, karayna in ay is hor taagaan magacaabisteyda laakiin aan sidaas sameyn.

Mahad weyn waxaan u jeedinayaa Baarlamaanka Soomaaliya ee ansixiyay magacaabista Golaha Wasiirrada aan ka midka ahaa.  Waxaa kale oo aan Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiyadooda Arrimaha Dibadda uga mahadcelinayaa wadashaqeynta iyo xisaabtanka wanaagsan ee is qaddarintu ay ku dheehan tahay ee ay ila yeesheen intii aan xilka hayay.  Guddoomiyayaasha labada aqal oo ah laba mas’uul oo aan xushmad badan u hayo ugana dambeeyo waayo aragnimadooda waxaan iyagana uga mahadcelinayaa taageerada ay ii muujiyeen si aan xilkeyga u guto.

Waxaanan illoobi karin, Danjirayaasha, diblomaasiyiinta iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee sida hagar la’aanta ah u gudanaya waajibaadka Qaran ee saaran.  Waa ciidan Soomaaliyeed oo filiqsan dalka Dibaddiisa iyo gudihiisa oo aan qoryo iyo rasaas ku hubeysneyn ee qalinkooda, aqoontooda iyo niyaddooda birta ah ku daafacaya danaha dadka iyo dalka inta bandanna aan helin qaddarinta ay Qaranka ka mudan yihiin.

Wasiiru Dowlaha Cabdulqaadir Axmed Kheyr iyo Wasiir ku xigeenka Mahad labadaba waxaan uga mahadcelinayaa wadashaqeynta wanaagsan ee kalsoonida, xushmadda iyo qaddarinta iyo nadiifnimada ku dhisan.

Waxaan u mahadcelinayaa oo kale Golaha Wasiirrada oo dhammaantood ay naga dhaxeyso wadashaqeyn iyo is qaddarin.

W/Q/yuusuf garaad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.