Maamulka Jubbaland oo amaro dul dhigay Gaadiileyda ka howgalo deeganada maamulkaas.

jubba

Wasarada Gaadiidka ee maaulka Jubba-Land ayaa amar ku soo rogtay Gaadiidka Ka howlgalo Deegaanada maamulkaas uu ka arimiyo, Wasiirka wasaarada maamulka jubbaland Maxamed Cabduqaadir maxamed Oo warbaahinta La ladlay ayaa waxaa uu Sheegay In amaro ku doo rogeen gaadiidleyda gaar ahaan gawaarida aan sharciyeysneen.

Wasiir Maxamed Ayaa Tilmaamay In La go’amiyay In gaari Aan taargo Lahayn aan loo ogolaan doonin Magaalooyinka Maamulka Jubba-land uu ka arimiyo inuu maro waxaana sidoo kakle uu sheegay In La Fary In Gawaarida Aan heysan Ay Si Deg Deg ay Ku Qaataan Iyadoo Uu sidoo Kale sheegay In Laga Bilaawo Sabtiga  Cidi Lagu Arko Gaari aan lahayn Sharciyada La fary La Ganaaxi doono.

Maamulka Juba-land oo Kamid ah Maamulda Ka jira dalka Ayaa waxaa Deegaanada uu Ka Arimiyo Hore Looga Mamnuucay In Arooysda Lagu Galbiyo Gawari Badan waxaana sidoo kale jiray in magaalada kismaayo gudaheeda laga mabnuucay fadhi ku dirirka iyo wixii lamid ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.