Kalfadhiga 2-aad ee Aqalka Sare oo maanta la soo xirayo

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo xiraya kalfadhigiisa 2-aad kaas oo socday muddo 6 bil ah.

Kalfadhigan oo furmay July 12, 2017, waxa uu ahaa mid mashquul ah, iyada oo la ansixiyay sharciyo badan iyo shaqooyin kale oo muhiim ahaa.

Xubno ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka, ayaa sheegay in kalfadhigaan maanta la soo xiraayo, maadaama xubnaha Aqalka Sare ay gali doonaan fasax iyo nasiino.

Masuuliyiinta ugu sareysa dalka, ayaa la filayaa inay ka qayb galaan xafladda xiritaanka Kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare ee dalka.

Sidoo kale Aqalka Sare muddadii uu jiray kalfadhiga 2-aad, waxa ay ka qayb-qaateen xal u helidda khilaafaad ka jiray maamul Goboleedyada dalka.

Golaha Aqalka Sare ee dalka ayaa waxa ay yihiin matalaad ka timid Maamul Goboledyada dalka ka jira, kuwaasi oo ku matala dowladda Federalka Soomaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.