Al-Shabaab oo Saraakiil ka tirsan kenya ku dishay Magaalada Ceel-waaq.

Dagaalamyaal Hubeysan oo la aaminsanyahay in ay ka Tirsanyihiin Al-shabaab ayaa Dilay Shan sargaal oo ka tirsan Booliiska Kenya waxayna gubeen Gaari ay Booliisku lahaayeen, kadib weerar ay ku qaadeen Magaaladda Ceel-waaq ee xuduudda ku taalla.

“Waxaa weeynay Shan Sargaal oo Booliis ah kadib weerar na qabsaday Xilli aan gaaf-wareegeeynay Wadada Katulu ee ceel waaq, Ciidamo gurmad ahaa ayaa sidoo kale laweeraray waxaana la gubay gaari xamuul ah oo ay wateen” ayuu yiri Gudoomiye ku xigenka Mandera Daniel Bundotich oo Warbaahinta Maxaliga ah la hadlay.

Wakaaladda Anadolu oo soo xiganeeysa Dadka Deegaanka ayaa Baahisay in Maleshiyaad ka Weerarka qaaday ay silama Filaan ah u Weerareen Cidamo Howlgal ku jiray oo aan qabin Tuhun Weerar.

Weerarkaan ayaa waxaa uu imaanayaa wax ka yar isbuuc markii Al-shabaab ay Weerar ku qadeen Xarumo Booliis oo ay Dab qabadsiiyeen, Saldhigyasaad oo ku yaalay Maamul goboleedka Garrissa.

Isniintii lasoo dhaafay-na Ciidamadda Kenya ayaa Sheegay in ay Dileen Shan Dagaalame oo ka Tirsan Al-shabaab islamarkaan ay Hub ka furteen sidoo kale Qarxiyeen Gaari Miinaysan oo Dsagaalamayaashu wateen.

Dowladda Kenya oo Dalka Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo loogu talo galay in ay Al-shabaab kula Dagaalamaan Gudaha Soomaaliya ayaan wali ka Guuleeysan Garabka Al-shabaab ee Kenya oo Qada Weeraro u geeystan Ciidamada booliska, military-ga iyo Dadka Rayid ka ah.

Weeraradda Al-shabaab ay Kenya ka geeystaan waxaa ay sababeen in ay lamamnuuca Gaadiidka rakaabka ah ee Habeenkii ku Socdaala gobolka Woqooyi bari kenya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.