Golaha amaanka oo fadhi deg deg ah ka yeelanaya Rabshadaha ka socda Iran

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay qorshaynayso in ay isugu yeerto kulan degdeg ah oo ay yeeshaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kulankani ayay dowladda mareykanka sheegtay in looga hadli doono dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda Iiraan ee dalkaasi ka socda.

Danjiraha dowlada Mareykanka u fadahida Qaramada Midoobey, Nikki Haley, ayaa sheegtay in arrinta Iiraan sidoo kale looga hadli doono kulanka golaha xuquuqda aadnaha ee ka dhacaya magaalada Geneva.

Waxa ay beenisay eedeeynta dowladda Iiraan ee ah in dibadbaxyadani ay yihiin kuwa dibadda dalkaasi laga soo maleegay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.