Waare oo kulamo la qaatay Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Jowhar kula kulmay xubno ay hogaamineyso Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey).

Madaxweyne waare ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka qaranka kala hadleebn arrimaha doorashada iyo howlaha dadaalada ah oo ay ka wadaan degaanada maamul goboleedyada dalka.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Maamulkooda ay diyaar u yihiin iney kala shaqeeyaan arrimaha doorashada.

Waxa uu ka codsaday guddiga doorashooyinka in ay Maamulkiisa la soo xiriiraan si wax walbo ay ula socdaan.

Xubnahan Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ayaa wado qorshe ay ku dhageysanaya aragtida Bulshada qeybaheeda kala duwan iyagoona weydiinaya sida dalka ay kaga dhici karo Doorasho qof iyo cod iyo sida ugu fudud ee loo suurta galin karo.

Madaxda qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada ayaa guddiga Doorashooyinka ka dalbaday in la soo daraaseeyo qaabka doorashada ay u dhici karto iyo bulshada la baro qaabka ugu sahlan ay uga qeyb qaadan karaan, waxaana fulinta arintaasi dadaal xoogan ugu jira Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Muqdisho iyo Gobalada dalka ka wada wadatashiyo arintaasi ku saabsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.