CabdiRaxmaan Cabdi Shakuur oo laga mamnuucay inuu dalka ka baxo

shakur

Maxkamadda racfaanka oo maanta u fariisatay dacwadda loo haysto siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa go’aan ku gaartay in xeer ilaalinta qaranka loo fasaxo baaritaanka ay ku hayso kiiskiisa.

Sidoo kale maxakamadda racfaanku waxay safarada ka mamnuucaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur inta uu socdo baaritaanka dacwadda loo haysto, waxaana ay sheegtay in safar dhanka dibadda ah uusan u bixi karin.
Dhinaca kale waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay sideed qareen oo ay sheegtay inay diideen inay difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto.
Shan kamid ah waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah iyo inay bixiyaan lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000. Sedexda qareen ee kale iyana waxa lagu xukumay inay bixiyaan ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo qareeno u doodaya midna ma soo xaadirin fadhigii maxakamadda oo aan sidoo kale loo ogoleyn warbaahinta
Dhinaca kale waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay sideed qareen oo ay sheegtay inay diideen inay difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.