DEG-DEG+XOG:- Wafti Horu-dhac U Ah Safarka Madaxweyne Farmaajo Oo Garoowe Soo Gaaraya & Xog Ku Saabsan

juxaa

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Puntland, Waxaa maalinimada Berrito oo Khamiis ah ku soo Wajahan Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid(Juxa).

Waftigaan ayaa la Sheegay in ay Horu-dhac u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed C/laahi Farmaajo oo Soo Gaaraya Magaalada Garoowe 6 Bishan January, Sida ay Xaqiijiyeen Ilo Rasmi oo ka tirsan Villa Soomaaliya iyo Puntland State House.

Saraakiisha ayaa Sheegay in Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya,xildhibaanno ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka iyo saraakiil kale ay Maalinta berri ah Imaanayaa Caasimadda Puntland, iyagoo horu-dhac u ah booqashada Madaxweyne Farmaajo ku imaanayayo Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa Lagu Wadaa in uu Maalinada Sabtida ee Soo Socota oo Taariikhdu ku beegan tahay 6/01/2018, uu soo gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxtooyadda Puntland ayaa Shaacisay Imaanshaha Madaxweynaha JFS Farmaajo, Iyadoona Sheegtay in la Magacaabay Guddiga qaban-qaabada Soo Dhaweynta Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa caasimadda Puntland uga Qeyb-galaya Xuska Sanad Guuradii 4-aad ee Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, oo ku beegan 8 Bisha January ee Sanadka Cusub 2018-ka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Xariga ka jaro Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Puntland “Garoowe”, kaasi oo ah Garoonkii Labaad ee Caalami ah oo laga Hirgaliyo Deegaanada Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa in uu Safar dhul ah ku maro inta U Dhaxeysa Boosaaso iyo Garoowe, Isagoona dhamaan ku Hakan Doona Deegaanada ku Yaalla Inta dhaxeysa 2 Magaalo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.