Wasiirka Dekedaha oo ka digtay in qashin lagu shubo xeebaha

dekad

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa ka digtay in qashin lagu xeebaha Soomaaliya, iyada oo shacabka ugu baaqday in ay ilaashadaan degaankooda.

Waxa ay sheegtay muhiim in ay tahay in wasaqda laga ilaaliyo xeebaha Soomaaliya, aysana u dabar go’in xeywaanaadka, dhalinyarada Soomaaliyeedna ay u helaan shaqoabuur dhanka Kalluumeysiga ah.

Shalay ayay aheyd markii Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed uu daah furay qalab casri ah oo loogu tala galay in uu Qashinka ka saaro Dekedda magaalada Muqdisho.

Waxaa keentay shirkadda Albeyrak ee ka howlgasha Dekadda Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa goobta lagu daah furayay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac, Mareeyaha Dekadda ee shirkadda Albeyrak,Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Qalabkaan ayaa ah mid muhiim ah gaar ah uleh Dekadda Muqdisho,taasi oo Maraakiibta Xamuulka ah ay ku soo xiran karaan, islamarkaana dakhli xoogan ka soo xaroon doonaan sida ay mas’uuliyiinta Dowladda sheegeen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.