Qarax miino oo Ciidamo ka tirsan AMISOM lagula eegtay duleedka degmada Baraawe.

Wararka naga soo gaarayo gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay Qarax miino lagula eegtay Kolanyo Gaadiid ah oo ka tirsan Kuwa AMISOM oo marayay duleedka degmada Baraawe.

Kolanyada qaraxa lagu weeraray waxey ku socdaalayeen wadada isku xirta degmada Baraawe iyo deegaanka Buulo Mareer, iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay degmooyin iyo degaano ka tirsan gobalkaasi.

Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegeen Miinada in ay haleeshay mid ka mid ah Gawarida Gaashaaman ee ay wateen Ciidamada AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.